Trump oo markale maxkamad la soo taagay written by Warsan Radio 04/08/2023 Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda Maraykanka ee Washington si wax looga weydiiyo eedo loo soo jeediyey oo la xiriiray, inuu isku dayay inuu hor istaago natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, ka dib markii lagaga adkaaday.Donald Trump ayaan wax dembiya qiranin, oo ku aaddan eedaha loosoo jeediyey, kuwaas oo ahaa eedihii ugu horreeyey ee heer federaal ah oo lagu soo oogo, iyada oo loo haysto ‘isku day fashilmay oo la doonayey in lagu hor istaago in xukunka si nabad ah loo kala wareejiyo’.Trump ayaa ka soo hor muuqday maxkamad heer federaal ah oo ku taalla Washington DC, laba maalmood uun ka dib markii afar eedood oo cusub uu ku soo oogay Jack Smith oo ah Garyaqaanka Gaarka ah ee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka.Trump ayaa lagu eedeeyey inuu isku dayey, inuu leexiyo rabitaanka codbixiyayaasha si uu uga hortago guusha xisbiga dimoqraadiga gaar ahaan Joe Biden, iyada oo bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ay xoog gudaha ugu galeen golaha baarlamaanka ee Maraykanka, taageerayaal cadhaysani, iyaga oo isku dhacay laamaha ammaanka. Trump oo markale maxkamad la soo taagay was last modified: August 4th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudiga next post Taliska Ciidanka DANAB oo sheegay inay ka qeyb qadan doonaan wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah AS You may also like Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay khasaare nafeed oo ka dhashay roobab dabeylo wata oo ku dhuftay xeebaha Soomaaliya 29/07/2020 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 19/09/2020 Dhageyso: Barnaamijka Jimcah ee idaacada warsan 17/09/2022 Golaha Wadatashiga Qaran Oo Kulan Habka Fogaan Arraga Ku Yeeshay 23/09/2021 Dhageyso+sawiro:- 27 Sanno ka dib Saldhiga Booliska Degmada Baardheere oo lagu bilaabay Dayactir iyo Qalabayn 22/12/2017 Akhriso:-Xukuumadda oo ansixisay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Axdiga Qaramada Midoobay.. 20/09/2018 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 21/08/2023 Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Booliska Adduunka oo Maanta furmaya 19/06/2022 Dhageyso: Barnaajika Dhacdooyinka 29/12/2022 Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan wadatashi ah la yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Kenya (Sawirro) 30/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.