Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Booliska Adduunka oo Maanta furmaya written by Warsan Radio 19/06/2022 Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa gaaray Magaaladda Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika kaas oo ka dhici doona Magaaladda Adis-Ababa.Janeraal Xijaar ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Ethiopia Gen. Demelash Gebremicheal maadaama Ethiopia ay la wareegeyso hoggaanka (EAPCO) East Africa Police Chiefs Organisation.Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Shirka, isaga oo kaga hadli doona xaaladda Amni ee Soomaaliya, howlgallada ay sameeyaan Ciidamada Booliska & wadashaqeynta ay la leeyihiin Ciidamada Booliska kale ee dalalka Afrika.Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Saraakiisha kasoo qeyb gasha shirkaas, isaga oo kala hadli doona dib u dhiska iyo horumarinta Ciidamada Booliska Soomaaliya. Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Booliska Adduunka oo Maanta furmaya was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo wada kulamo uu codka kalsoonida uga raadinayo Xildhibaannada next post Midowga Afrika oo ku baaqay in la sameeyo qorsho looga hortagayo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya You may also like Aqriso:-Tartan aqoonedka Caawa u dhaxeeya Horseed A iyo Isha B 17/04/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan 22/03/2022 RW Rooble oo Magacaabay Guddi ka kooban Shan xubnood 01/01/2022 Madaxweynaha Somaliland oo farageliyay khilaaf soo kala dhex-galay guddiga doorashooyinka 28/04/2022 Prof. Dufle “Ma jirto wax aan soo saxiixnay oo ah 7-d kursi ee Banaadir in lagu qeybsado 4.5” 06/06/2020 Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho 07/06/2020 Dowlada Oo Beenisay In Burbur Uu Ku Dhaw Yahay Shirka Golaha Wadarashiga Qaran 06/01/2022 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 10/02/2020 video:-Wareysi xalada Degmada xudur ayaa laga deeyinayaa iyo daawa lagaarsiyey 11/04/2017 Dowladda Jabuuti oo Shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah 25/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.