Hogaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa xidhay hawada dalkaasi ilaa amar dambe, iyaga oo sabab uga dhigay hanjabaad faragalin milatari ah oo kaga imanaysa deriskooda.Afhayeen u hadlay militariga ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Niger ay diyaar u yihiin inay difaacaan dalka.Shabakadda dabagalka duulimaadka ee Flightradar24 ayaa muujineysa in hadda aysan jirin wax diyaarad ah oo isticmaalaya hawada Niger.