Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? written by Warsan Radio 18/08/2022 Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan nin Habeen ka or degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho ku dilay Gabar kamid aheyd Ardayda sanadkaan ku baasay imtixaankii ay qaaday dowladda, taas oo lagu magacaabi jiray Hibo Qaasim Maxamed.Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in jeylaani uu Gabadha dilkeeda u adeegsaday tooreey, isaga oo ka qaadanayay Mobile ay wadatay, isla markaana dhaawac uu u geystay ay ugu geeriyootay Isbitaal la geeyay.Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey wuxuu sheegay in ninkaasi baartan kale oo dheeraad ah lagu sameyn doono, isla markaana ay u gudbinayaan Hay’adaha garsoorka dalka si sharciga lo horgeeyo.Shacabka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta Hibo Qaasim ayaa aad uga naxay dilka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada muqdisho loogu geystay Gabadha oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay dugsiga Sare kana qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Soomaaliya. Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? was last modified: August 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay You may also like Dhageyso:-Golaha Babdaadada KGS oo Canbaareeyay Dad lagu laayay duleedka Muqdisho 09/07/2017 Ra’iisul Wasaare Rooble oo Hambalyo udiray Shaqaalaha Soomaaliyeed 01/05/2021 MAAMULKA KOONFUR GALBEED OO SIYAASIYIIN KU XIRAY BAYDHABO 13/09/2017 Jubbaland oo taageeray falcelintii Aqalka Sare, kuna baaqay in la hakiyo xeerarka Golaha Shacabka 25/06/2020 Ciidamada Ukraine oo dib ula wareegay magaalo ay Ruushka qabsadeen 27/02/2022 Sawiro;-Madaxweyne Cali Guudlaawe xuseen oo arrimo kala hadlay Imaaraadka 19/09/2022 Al-Shabaab oo weerar dad lagu dilay ka fuliyey gobolka Bakool 02/01/2021 Dhageyso;- Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan 21/10/2022 Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab 08/06/2020 Dhageyso:-Tartan aqooneedka Idaacada Warsan 05/05/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.