Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la Tacaalay dadwayne Gadoodsan oo Magaalada Burco ka dhigay Mudaaharaad iyagoo taayiro ku gubay waddooyin Muhiim ah.Jidadka Muhiimka ah ka farcama goobta loo yaqaano Siirooga, ayaa xidhmay intii Rabshaddu Socotay, iyadoo ay hadda muuqato in ciidamada Boolisku ay xakameeyeen shacabka gadoodsan ee Mudaaharaadka dhigayay inkasta oo wali la maqlayo rasaas goosgoos ah oo ciidamadu u isticmaalayaan kala didinta dadka mudaaharaadaya.Ilaa hadda ma lama oga khasaare dhimasho oo gaadhay dadka mudaaharaadka dhigayay iyo ciidamada ka hortagay, mana jirto Masuuliyiinta dawladda ee gobolkaasi oo xaaladda ka hadlay.Isla maanta isku dhac hubaysan oo khasaare gaystay ayaa ka dhacay Deegaanka Go’da yar oo ka tirsan gobolka Saaxil, kadib markii ay isku dhaceen Booliska Somaliland iyo Jabhadda saaran Buurta Gacan Libaax oo Maalmihii lasoo dhaafay halkaasi Isku hor fadhiyay.Wararku waxay sheegayaan in khasaare kala gaadhay laba dhinac, balse dawladdu ilaa hadda may xaqiijinin baaxadda khasaaruhu le’eg yahay.Halkan kala soco wixi warar ah ee kasoo kordha.