Wararka ka imaanaya Degaanka Cows-weyne ee Gobolka Galagaduud oo ilaa 20 KM u jira degmada Ceeldheer ayaa sheegya in dagaal culus aroortii Saaka ku dhex maray ciidamada dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.Dagaalkan oo ku bilowday Qarax is-miidaamin ah, ayaa waxaa xigay Dagaal toos ah oo jihooyin kala duwan ka dhacay, waxaana xogta laga helay ay sheegeysaa inuu dhacay mid ka mida dagaaladii ugu qasaaraha badanaa muddooyinkan.Al-shabaab ayaa sidii caadada u ahayd weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhigyadii ciidamada dowladda iyo xooggaga degaankaasi oo Alshabaab laga qabsaday toddobaadkii hore.Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamadeeda ay ka war hayeen weerarka, ayna fashiliyeen oo ay jilibka u dhigeen Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin .Xiriir aanu la sameynay dadka degaanka iyo qaar ka mida saraakiisha ciidamada degaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus oo Alshabaab ay adeegsadaan qaraxyo iyo in ka badan 1000- kun dagaalame.Qasaare badan ayaa laga soo weriyay dagaalkii saaka ka dhacay degaanka Cows-weyne, iyadoo ay caado noqotay in Alshabaab ay dagaal la’aan ka baxaan magaalooyinka iyo degaanada waaweyn, markii ay qabsadaan ciidamada dowladana ay dagaal gaadmo agh kusoo qaadaan, halkaasina qasaare weyn naf iyo Saanad lehba ka dhaco.Alshabaab waxay sheegtay inay weerarkii Cows-weyne ku dileen Askartii ugu badneyn, ayna ku qabsadeen Gaadiidka gaashaaman iyo Tiknikada dagaalka ee ciidamda dowladda, balse ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay sheegashada Alshabaab.Weerarka Cows-weyne ayaa imaanaya xilli ay shalay Ciidamada dowladda la wareegeen degmada Ceelbuur oo ah goob muhiim ah oo gacanta Alshabaab lagala wareegaay islmarkaana gacanta u soo gashay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa degaanka .