Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa kala hadlay waxgaradka iyo dubabka dhaqanka Koonfur-galbeed qorshaha qaran ee xoreynta dalka.Madaxweynaha ayaa la wadaagay duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed sida ay uga goโan tahay in dalka laga xoreeyo Al-shabab, isagoo tilmaamay nolasha iyo nafiska ay dareemayaan dadka deegannada laga xoreeyey ee Hirshabeelle iyo Galmudug.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in abaabulka dadweynaha, wacyigelinta dhibaatada iyo adkeynta midnimada bulsho ay aas-aas u tahay wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka, taas oo ay doorka ugu weyn ku leeyihiin waxgaradka, odeyaasha dhaqanka iyo Hayโadaha dowladeed ee Konfur-galbeed.Dhankooda, Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey in ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah AS, iyagoo ku ammaanay ka goโanaanshihiisa ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah argagixisada.Sidoo kale, Duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed waxay soo bandhigeen in ay naftooda iyo maalkooda u hurayaan sidii uu miro-dhal unoqon lahaa wajiga Labaad ee halganka xoreynta, maadaama dadka Koonfur-galbeed ay u hanqal taagayaan in ay iska xoreeyaan Al-Shabaab.