Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo kawada Dalka Qatar written by Warsan Radio 06/09/2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye, ayaa saaka kulan miro dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar.Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka.Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, isla markaana dalka laga xoreyn doono kooxaha Al-Shabaab, taasi oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah.Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo kawada Dalka Qatar was last modified: September 6th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidamada xoogga dalka oo degaano horleh kala wareegay Al-Shabaab next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha & waxgaradka degmada Maxaas You may also like Video Xog hadda nasoo gaartay:Xaalada deeganadii lagu dagaalamay ee Gobolka Bakool. 10/08/2017 Maxa ka soo baxay shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ? 19/06/2023 Akhriso:-Salaad Cali Jeelle “Dowladdu waa inay farta ku fiiqdo dadka dowladnimada dhibka ku ah” 19/06/2018 Dhageyso;- Barnaamijka Ciyaaraha 29/01/2022 Dhaliilo kujira Sharciga Hay’adda NISA ee Golaha Wasiirada ansixiyeen oo la soo bandhigay 08/01/2023 Dad ay Soomaali ku jiraan oo laga soo musaafurinayo dalka Canada 27/01/2024 Dhageyso;- Barnaamijka Bandhiga ee Idaacada Warsan 23/05/2022 Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo kanhadlay weerarkii ka dhacay Shabeellaha Dhexe 06/01/2023 MW Xasan oo Midowga Afrika kahor sheegay in aan la aqbali karin xadgudubka Itoobiya 17/02/2024 Ciidanka Xoogga dalka oo Gobolka Shabeellaha Hoose ku gubay Gaari siday Qarax (Sawirro) 30/04/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.