Allah ha u naxariiste, waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday nabaddoon iyo siyaasi Cali Ugaas Cabdulle, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka.Cali Ugaas Cabdulle ayaa muddoonyinkan ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, wuxuuna ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.Allah ha u naxariisto Cali Ugaas Cabdulle ayaa sidoo horey usoo noqday Duqa magaalada Muqdisho, intii u dhaxeysay 1987-1990, xilligii dowladdii Kacaanka.Geerida Cali Ugaas ayaa waxaa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble.Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa tilmaamay in Marxuumka “uu kaalin weyn kasoo qaatay Nabadeynta, isku keenida ummada Soomaaliyeed iyo dib u yagleelida dowlad-dhiska Soomaaliya.”Share this:TwitterFacebookRelatedMadaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridii marxuum Ugaas Ciise Ugaas CabdulleMuqdisho, 9 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle . Marxuumka oo xaley ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ah ahaa hoggaamiyeyaasha dhaqanka, marna ahaa siyaasi iyo hawlwadeen…May 9, 2016Ra’iisul Wasaaraha oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Ciise Ugaas CabdulleMuqdisho, May 9, 2016——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, kaasoo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. “Waa geeri naxdin leh, waxaana tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada, dhaqanka iyo dhamaamba ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay, waxaana leeyahay Alle ha naga wada…May 9, 2016Wafdi ka qeyb galaya Aaska Guddoomiyihii G/Banaadir oo soo gaaray MuqdishoMadaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,iyadoo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen u soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay tahay qeyb galka Aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan…August 3, 2019About Dalsan EditorView all posts by Dalsan EditorPost navigationTiro dad ah oo ku dhintay kaniisad ku duntay dalka MexicoDhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 02/10/2023Leave a ReplyDownload Radio Dalsan On Google Play Store Now.Latest headlinesRW Xamse Barre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha ImaaraatkaOctober 2, 2023 By Dalsan EditorDuqii hore ee Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo geeriyoodayOctober 2, 2023 By Dalsan EditorTiro dad ah oo ku dhintay kaniisad ku duntay dalka MexicoOctober 2, 2023 By Dalsan EditorSoDMA oo Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada ku qabanaysa BaydhabaOctober 2, 2023 By Dalsan EditorTaliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Biyacadde iyo ujeedka socdaalkiisaOctober 2, 2023 By Dalsan EditorLaamaha ammaanka Degmada Dooolow oo baaritaan ku sameeyay Gaari Qarax oo la qabtayOctober 2, 2023 By Dalsan EditorMadaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyay qaraxa ka dhacay AnkaraOctober 2, 2023 By Dalsan EditorAqoonsiyada Baasabooro Soomaali iyo Turki oo laga helay Doon ku caarisay IsraelOctober 1, 2023 By Dalsan EditorBarnaamijka soo Bandhiga Xaqiiqada TahriibkaDalsan Radio · Barnaamijka Soobandhiga Xaqiiqada TahriibkaRadio Dalsan, The leading news website in Somalia. Providing breaking and latest news from Somalia.©2012-2023 – Radio Dalsan. All Rights Reserved.The leading news website in Somalia. Providing breaking and latest news from Somalia.