Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo khamiis ah magacaabay Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland, kaasi oo bedelaya masโuuliyiin ka horreeyay ee xilkaasi haayay.Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland loogu magacaabay inuu noqdo Xasan Yuusuf Majabe.Hoos ka Akhriso wareegtada uu soo saaray Madaxweyne DeniMadaxweynaha PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka PuntlandWuxuu xeeriyey:
1- Waxaa Xasan Yuusuf Majabe loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland
2- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.