Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Jowhar gaar ahaan wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha, halkaas oo shalay ay ku dagaalameen Ciidamo katirsan kumaandooska DANAB iyo Ciidamo katirsan kuwa Madaxtooyada Hir-Shabeelle oo ilaalo u ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.Goobtii lagu dagaalamay ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamada Kumaandooska DANAB oo degan, waxaana ilaa iyo hadda la ogeyn sababta dagaalka, hayeeshee guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle uu sheegay inay Ciidamada DANAB ay weerar jidgal ah ku sameeyeen Gaadiidkii uu watay.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto waanwaan lagu xalinayo dagaalkii dhexmaray Ciidamada DANAB iyo Ciidamada gaarka ah ee Madaxtooyada Hir-Shabeelle.