Kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka oo Maanta furmaya & MW Xasan oo khudbad jeedinaya written by Warsan Radio 25/11/2023 Waxaa maanta oo sabti ah si rasmi ah u furmaya Kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka kasoo laabteen fasax ay bilihii lasoo dhaafay ku maqnaayeen.Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin doona furitaanka Kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka, isagoo khudbadiisa uga hadli doona xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga, fatahaadaha iyo qodobo kale.Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa inta uu socdo kalfadhigaan waxaa horyaalla shaqooyin farabadan oo looga baahan yahay inay qabtaan, sidoo kalena waxaa horyaalla wax ka bedelka Dastuurka KMG ah iyo ajendayaal kale.Maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada ku maqnaa safaro dibadda ah ayaa dib ugu soo laabanayay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona xalay loo diray fariimo loogu wargelinayo in Maanta oo sabti ah uu furmayo Kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka, ayna kasoo qeyb galaan. Kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka oo Maanta furmaya & MW Xasan oo khudbad jeedinaya was last modified: November 25th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maleeshiyaad hubeysan oo 14 qof ku laayay Weerar Gaadmo ah oo ay qaadeen next post Safiirka cusub ee Somalia ee Qatar oo Warqadaha aqoonsiga laga guddoomay You may also like Waa sidee xaaladda Goobtii lagu dagaalamay ee Magaalada Jowhar? 05/11/2023 Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Waajid “SAWIRRO” 19/06/2021 Madaxweynaha cusub oo ka qeyb galay Shir ku saabsan dib u habeynta maaliyadda 18/05/2022 Maraykanka oo taageero buuxda u muujiyay shirka golaha wadatashiga qaran ee raysal wasaaruhu ku baaqay 27/12/2021 Askari qof shacab ah ku dilay Buurhakaba oo isna maanta la toogtay 03/11/2020 Sawiro;-Axmed Madoobe oo Magalada Muqdisho soo gaaray 10/09/2022 Saraakiil katirsan ATMIS oo loo xiray weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-Mareer 04/06/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 08/11/2020 Bannaanbaxayasha iyo Milateriga Sudan oo heshiis gaaray 06/12/2022 Akhriso:-Golaha Wasiirada oo Warbixin ka Dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka 11/11/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.