Waxaa dalka Jabuuti Maalintii labaad ka socda wadahadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo ay garwadeen ka tahay, isla markaana ay marti gelneyso dowladda Jabuuti.
Shirka oo xalay si horudhac ah u furmay ayaa waxaa kaliya uu gaar u ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Wada-hadallada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa inay ku biiraan mas’uuliyiin kale oo ka kala socda Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, sida Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Wada-hadallada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa ay soo mareen heerar kala duwan, iyada oo aan weli wax natiijo ah kasoo bixin, hayeeshee shacabka Soomaaliyeed ay hadda sugayaan qodobada kasoo baxa.
Bishii Juun sanadkii 2020-kii waxaa isla dalka Jabuuti ku shiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biix Cabdi, ayadoo markii la soo gabagabeeyay laga soo saaray qodobbo dhowr ah oo markaa dhinacyadu ku heshiiyeen.
Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ugu muhiimsanaa dhowr qodob oo kala ahaa in laga wada shaqeeyo nabadgelyada labada dhinac, in aan la siyaasadayn dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aamnimo ee caalamka, in la wada maamulo arrinta duulimaadyada hawada oo khilaaf ka taagnaa, iyo isku socodka bulsho ee labada dhinac.
Dadka falanqeeya arrimahan ayaa aaminsan in fulin la’aanta qodobadii hore loogu heshiiyay ay mar walba noqon karto caqabadda ugu weyn ee hortaagan gaarista hadafka laga leeyahay wadahadallada muddada jiitamaya.