Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta dhagax-dhiggay wadada isku-xirto Garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar.
Masuuliyiinta shirkadda Adeegsan oo u xil-saaran dhismaha waddada ayaa madaxweynaha u faahfaahiyay baaxada shaqadda iyo xilliga ay soo dhammaaneyso.
“Sannad iyo bar oo dagaal ah kaddib Hirshabeelle isku-tashi ayay ku dhisaneysaa deegaanadeeda. Alle ayaa mahad leh oo maanta noo suurageliyay inaan biloowno dhismaha waddada xiriirisa garoonka iyo magaalada Jowhar.”
Ugu dambeyn madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay Dowladdooda garab istaagaan.