Maxkamadda Gobalka Galgaduud ayaa xukun dil ah ku fulisay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo Magaalada Cabudwaaq ee Gobolkaasi 13-kii bishaan ku dilay Alle ha unaxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan oo sidoo kalena ahaa Samafale.
Fagaare ku yaalla Caabudwaaq ayaa lagu toogtay maanta oo khamiis ah Cabdixakiin Axmed oo Maxkamadda Gobalka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug kahor qirtay inuu si bareer ah u dilay Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan.
Allaha u naxariistee Cabdikariin Axmed Bulxan oo in badan ka shaqeynayay Warbaahinta iyo arrimaha samafalka ayaa madax ka ahaa Xarunta agoonta lagu xanaaneeyo oo ku taalla magaalada Caabudwaaq.
Cabdixakiin Axmed ee Maanta dilka toogashada ahaa lagu fuliyay ayaa isna waardiye ka ahaa Xarunta agoonta, isagoona rasaas uu furay ku dilay Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan oo sidoo kalena ahaa Samafale.