{WARSANRADIO}
Waxaa goor dhow bilaabatay cod bixinta doorashada Madaxweynaha, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu si rasmi u furay kalfadhiga 7aad ee wada jirka Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in 328 Xildhibaan ay hoolka xaadir ku yihiin, iyadoo hal Xildhibaan uu sheegay inuu xanuunsan yahay.
Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada codeynaya loogu yeeri doono min 10 Xildhibaan, iyagoo qaadanaya waraaqadaha cod bixinta, waxaa uu tilmaamay in aanay Xildhibaanada soo qaadan karin Qallimaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashada ay tahay 3 wareeg, isagoo xusay wareega 1aad ay u soo gudbayaan afarta Musharax ee ugu codka badan, hadii aanay jirin Musharax xaqiijiya cododka ugu badan oo ah 3 meel 2-meel oo ah 219 Xildhibaan
Waxaa uu sheegay in wareega labaad hadii aanay isku soo harin labo musharax oo aanu Musharax tanaasulin uu ay wareega labaad aadi doonaan 4-ta musharax ee ugu codka badan Musharaxiinta wareega koowaad.
Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga doorashada ayaa bilaabay cod bixinta, iyadoo Xildhibaanada loo yeeri doono, dabadeedna ay qaadan doonaan waraaqaha cod bixinta, kaddibna ay ku ridayaan sanaadiiqta taala goobta.