Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay qof Shacab ah written by Warsan Radio 20/07/2022 Maxamed Aadan Maxamed Cali (Gaduudow) ayaa loo soo xeray Dilka Allaha u Naxariistee Marxuum Saciid Xasan Shiiqow 29-kii April ee Sanadkan kadib markii xilli galab ah Bishii Ramadaan ee la soo dhaaftay rasaas uu furay uu ku dhintay Marxuum Saciid Xasan Sheeqow oo afur u soo raadsaday Xerada Agoonta Boliiska Raashin loogu qaybinayay Bulshada kaalmada u Baahan.25-kii May sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October.Qareenka U doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan. Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay qof Shacab ah was last modified: July 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidamada Booliska Kenya oo toogtay Saddex Ruux gacantana ku dhigay hub next post Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka warsan 30/04/2023 Madaxweynaha Hirshabeelle oo sheegay in xukuumaddiisa ay xooga saari doonta sugida Amniga 09/08/2022 Gantaalo lala beegsaday 3 magaalo oo ku yaal waqooyiga Mali 30/11/2020 DHAGEYSO: Casharkii 23aad Ee Tafsiirka Qur’aanka Kariimka Ee Sh. Xasan Gaab 02/01/2018 Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in cudurka Covid-19 qatartiisa sii xooggaysanayso ayna hadda dhalinyarada u geeriyoonayaan 08/03/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 09/01/2023 Dhageeyso: Warka Habeenimo Ee Idaacada Warsan 03/12/ 2019 03/12/2019 Odayaasha dhaqanka Puntland oo shaaciyay in xal laga gaaray Khilaafkii PSF 07/12/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 04/01/2021 Sawiro: Wasiirka Dhalinyarada Kg Oo Kormeeyay Baraha Kontorooyada Magalada Baydhabo 10/12/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.