Xili barakaciyaal hor leh ay ku soo qul quleyaan magaalada baydhabo islamarkaana ka imaaneya deegaanadii ay ku noolaayeen oo abaar daran ku dhufatey ayaa waxaa maanta wazaarada dib u dajinta iyo jaaliyadaha koonfur galbeed waxaa ay u koor gashey xaalada dadkaa ku dhiban xerooyinka ay ka degan yihiin magaalada baydhabo
Wefdi ay hogaamineysey waziirada wazaarada dib u dajinta iyo jaaliyadaha koonfur galbeed faadumo maxamed abuukar
Ayaa ku socdaashey qaar ka tirsan xerooyinka barakaciyaasha iyadoona mid mid u gashey guryaha cooshadaha ka sameysan ee ay degan yihiin qaxootigan cusub ee dhawaan baydhabo soo garey
Mid ka mid ah qalada ay gudaha u gashey waziirada ayaa waxaa ay kula kulantey ilmo yar oo 5 maalin dhalan oo hooyadii ay ku maqantahay in ay soo gurato xaabo si ay ilmaheeda noloshooda ay ugu maareysey
Kor meerka ka dib agaasimaha guud ee wazaarada dib u dajinta ayaa sharaxaad ka bixiyey xaalada dadka ku dhiban baydhabo ee wazaarada ay diiwaan galisey
https://www.youtube.com/watch?v=6ss1V_0pVZY&feature=youtu.be