Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta 13 Agoosto 2017 shaqada ka joojiyay Gaadiidka yaryar ee loo yaqaano Bajaaj ee ka dex shaqeeya Magaalada Baydhabo. Maamulka ayaa ku saleeyay arintaan arimo dhinaca nabad galyada darteeda.
Arintaas ayaa waxaa la sheegayaa inay saameyn doonto boqolaal qof oo si toos ah iyo si dadban ay noloshooda ugu xirneed . Arintaas oo ku dhawaaqey Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa maanta waxaa ka hadlay Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Badbaada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mr. Aden Saransoor iyo Af-hayeenka Golaha KGS Mr. Sharif Hussein Roobow.
Masuuliyiinta Golaha ayaa ugu baaqan maamulka Koonfur Galbeed in arintaas ay wax ka qabtaan isla markaasna ay dadka danyarta ee ku nool shaqooyinka Bajaajta dib loogu ogolaado in ay shaqooda wataan. Arintaas ayaa waxa dhibaato dhaqaale ku abuuri kartaa boqolaal qof oo noloshooda si too iyo si dadanban ugu xiran shaqooyinta gaadiidka ka dhex shaqeeya Magaalada Baydhabo, sidaasna waxaa sheeegay masuuliyiinta Golaha Badbaadada KGS ee ku Sugan Magaalada Baydhabo.
Halkan Ka dhageyso shirka Jaraaid.
Warsanradio/Wadninews24