{WARSANWADIO}Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladihii ka dhashay cabashadii iyo shaqo joojintii Ganacsatada ka keeneen canshuurtii lagu kordhiyay Ganacsatada.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in waxyaabihii bishan dhacay ay sababeen in dakhli badan aanu soo xaroon, isagoo ka dhawaajiyay in wali Ganacsatada uu is faham u dhaxeeyo, isla markaana meel dhow la isugu imaan doono.
“Bishaan waxyaabihii dhacay ee qaskii ka yimid Canshuuraha waxay na dhaxal siiyeen in dakhli badan aanu soo xaroon, anaga Ganacsatada lacagtooda ayaa lugaha uga taaganahay, xifaaltan waa jiri karaa, laakiin heshiis ayaa ahaan doonaa, side dalkaan ku dhismi karaa oo duruufaha jira la isla garto, labo wadan oo wada hadal ku jira ma nihin, waaa la doodayaa, dad isku mid ayaa nahay Ganacsatada fahamkooda waa wanaagsan yahay, heshiis baan gaarnay”ayuu yiri Wasiir Beyle.
Wasiirka ayaa sheegay in canshuurta gedista ee 5% uu Wasiirka xaq u leeyahay meesha la rabo in laga qaado, isla markaana aanay taas mushkilad aheyn oo ay sharciga ku taallo sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxaa uu xusay in inkasta oo aanay bishan dakhli badan soo xaroon, ay ku dadaalayaan in mushaarka la baxay, haatan uu saxiixay in mushaarka la bixiyo sida uu yiri.
Mr Beyle ayaa sheegay in hadii aan canshuurta la bixineyn in dalka lagu kala tagayo, waxaana uu tilmaamay in qof walba loo baahan yahay in canshuurta bixiyo.
Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in wada hadal u socdo Ganacsatada kale sida Bankiyada iyo Shirkadaha Xawaaladaha, isla markaana ay isla garan doonaan inay canshuurta Iibka inay bixiyaan sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka ka soo yeeray Wasiir Beyle ayaa ku soo beegmaya, xilli Ganacsatada Gobolka Banaadir ay sheegeen inuu bur buray wada xaajoodkii u dhaxeeyay iyaga iyo Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana wali ka soo horjeedaan canshuurta dheeraadka ee lagu soo rogay ee ah Canshuurta Iibka.