Baydhabo Somaliya{WMN}- Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dadka reer Puntland ay wajahayaan dhibaatooyin kaga imaanaya labo Cadaw oo is baheysanaya.
C/weli Gaas oo ka hadlayay Munaasabadda Ciida ayaa sheegay in Puntland ay isaga filan tahay inay iska difaacdo cadawgeeda.
“Shacabka reer Puntland waxay wajahayaan caqabado iyo dhibaatooyin kaga imaanaya cadaw iskaashayda oo deriskeena ah, Shabaab iyo Daacish oo awal dhib nagu hayay”ayuu yiri C/weli Gaas.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab iyo Daacish ay dalka qeybo ka mid ah dhibaatooyin ka geystaan, meelna aysan wax dhibaato iyo xagtin xataa ka geysan, isagoo ugala jeeday Gobolada Somaliland.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xiriir qoto dheer uu ka dhaxeeyo Somaliland iyo Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
“Shabaab iyo Daacish dalka qaarna dhib ayay ku ahyaan, qaarna xagti ma gaarsiin oo wax dhib ahna aysan ka geysan waa garan kartaan caqliga saliimka ayaa noo sheegaya in xiriir qoto dheer uu ka dhaxeeyo kan deriska daan daansiga noogi yimid iyo kii dhibka nagu hayay Shabaab iyo Daacish weyna muuqataa”ayuu yiri Madaxweyne Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay Somaliland inay taageerto Daacish iyo Al-Shabaab oo saldhigyo ku leh deegaanada buuraleyda ee Gobolka Bari, inkastoo Somaliland ay beenisay.