Baydhabo Somaliya{WMN}- Xildhibaanka oo shir jaraa’iid ku qabtay Magaalada Baydhabo, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkii ay Ciidamada Itoobiya kula kaceen Musharaxa oo ay si xoog ah ku xireen isagoo ku sugan xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed.
“Xarigga waxaa uu ahaa mid shirqool ah oo ay wax ka ogaayeen kusimaha madaxweynaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan KGS” , ayuu yiri xildhibaan Cusmaan Caato.
Waxaa uu xildhibaanka kula dardaarmay bulshada Baydhabo in aysan samaynin wax abuuraya is kooxaysi qabiil ku salaysan oo godob iyo colaadin ka dhex abuuraya, taas bedelkeedna waxaa uu xildhibanka soo jeediyay in la muujiyo dareen wadaniyadeed iyo qadiyad umadeed oo ah in Mukhtaar Rooboow uu ahaa Musharax u istaagay in uu matalo dhammaan Bulsha weynta ku dhaqan degaan weynaha Koonfur Galbeed.
Ugu danbaybtii waxaa uu xildhibaan Cusmaan Caato ugu baaqay dhammaan Xildhibaanada KGS in ay meel uga soo wada jeestaan oo ay si wada jir ah uga guntadaan difaaca qadiyadda iyo rabitaanka dadka Koonfur Galbeed iyo arimaha doorashada si uusan mugdi u gelin mustaqbalka jiilka danbe imaan doona ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.