Baydhabo Somaliya{WMN}- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka hor-yimid qorshaha Mareykanka ee ku wajahan difaaca dagaalyahanada Kurdiyiinta ee Suuriya.
Erdogan ayaa sheegay in hadalka La taliyaha Amniga ee Mareykanka John Bolton ay tahay mid aan la qabali karin.
Madaxweynaha Turkiga ayaa diiday inuu la kulmo La Taliyaha Amniga Madaxweyne Trump, si uu uga xaqiijiyo badqabka dagaalyahanada Kurdiyiinta ee loo yaqaano YPG, kuwaasoo uu taageero Mareykanka.
Dagaalyahanada Kurdiyiinta YPG ayaa dagaal kula jiro Kooxda Daacish, waxaana dagaalyahanadaas sanadihii u dambeeyay taageerayay Mareykanka, iyadoo ciidamo ka tirsan Mareykanka ay ku sugan yihiin magaalada Manbij.
Mareykanka oo dhowaan ku dhawaaqay in Ciidamadiisa kala soo baxayo Suuriya ayaa ka raadinaya Turkiga aqbalaad ku aadan sidii ay u nabadgelin lahaayeen.
Turkiga ayaa u aqoonsan dagaalyahanada Kurdiyiinta YPG inay yihiin urur Argagixiso ah, ayna xiriir la leeyihiin Kurdiyiinta Turkiga ee PKK