Baydhabo Somaaliya,{WMN}- Sida aan ka soo xiganay Shabakadda Macluumaadka Qaanuuniga ee dalkaasi waxaa Danjiraha cusub lagu magacaabaa Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof
Isla Wareegtadaas, waxaa DanjireMikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof sidoo kale loo soo magacaabay xilka Danjiraha Federalka Raashiya u joogi doona Somalia.
Danjire Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof waxa uu tan iyo sannadkii 2013-kii ahaa Qunsulkii Guud ee Dowladda Raashiya u joogay magaalladda Cinaabat ee Bariga dalka Algeria.
Dowladda Raashiya wax Safaarad ah kuma laha Somalia tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka ee sannadkii 1991-kii.
Dhinaca kale, Lama shaacinin Rugta Diplomaasiyadeed ee rasmiga ee uu Danjire Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof ka hawl-geli doono inay tahay Somalia ama Jabuuti, iyadoo inta badan Danjirayaasha loo soo magacaabo inay Dowladooda u matalaan laba Waddan ay Rug Diplomaasiyadeed ama Safaarad ku yeeshaan mid ka mid ah Waddamadda loo soo magacaabo