Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad xarriga looga jarayay xarunta dhexe ee Xisbiga Wadaniga Soomaaliyeed, kaasoo uu Hoggaamiyeheeda ugu sareeya yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi.
Furitaanka xarunta Xisbiga waaxa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin caan ah, Hoggaanka Odayaasha dhaqanka, Culumaa’udiin iyo ururada Haweenka ee ka jira dalka.
Gudoomiyaha Xisbiga Wadaniga Soomaaliyeed Ambassador C/rashiid ayaa sheegay in Xisbigan uu ka shaqeyn doono oo kaliya sidii talada guud ee dalka ay kaalin ugu lahaan lahaayeen dhamaan Shacabka, si looga kaaftoomo in shaqsiyaad gaara ay noqdaan kuwo go’aano Masiiri ah ka gaaraan Shacabka oo idil.
Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo hore u soo noqotay Ra’iisul Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirkii arrimaha DIbadda, ayaa bogaadisay xisbigan cusub, iyadoo sheegtay in dalka uu galayo marxalad xasaasi ah oo wax lagu soo dooranayo xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadaniga Soomaaliyeed Cali Maxamed Geedi oo khudbad dheer ka jeediyay madasha, ayaa ku dheeraaday ka hadalka heerarkii kala duwanaa ee la soo gaarsiiyay dowlanimada Soomaaliya, isagoo raja ka muujiyay in dalka uu gaaro marxalad ay uga dhici karto doorashooyin ay Shacabka codadkooda dhiibtaan.
Mr. Geedi oo soo hadal qaaday doorashada soo socota ayaa carabka kua dkeeyay in dowladda Soomaaliya aysan ka ogolaaneynin doorasho aan eheyn mida Xisbiyada, isagoo sheegay in laga gudbay hababkii hore ee wax la isugu soo dooran jiray.
Cali Maxamed Geedi ayaa dhinaca kale sheegay inaan marnaba la aqbaleynin wax mudo kororsi ah, isagoo cidii ku hamineysana talo ahaan ugu soo jeediyay iney iska liqdo damaceeda.
“waxaan doorasho eheyn Shacabka iyo Xooggaga Siyaasiyiinta ma aqbalayaan,mudo kororsi majireyso, dowlad aan Mucaarad leheyn dowlad Maaha, Mucaaradka wuxuu dowladda tusaa khaladaadkeeda, Mucaaradka sidiisaba waa labo mid, midna waxey dumisaa midna waxey dhistaa” ayuu yiri Geedi.