Xudur(WMN)_Xafladaan dahfurka ah oo ay soo abaabuleen guddiga dhismaha isxilqaan ee xaruunta maxkamada gobolka bakool ayna ka soo qeyb galeen wakiilo ka kala socda wasaaradaha awqaafta iyo arimaha diinta, howlaha guud, caafimaadka, maamulka, Culimaa’udiin iyo bulshada inteeda kale ayaa lagu soo ban dhigey dhismaha xaruunta maxkamada oo si isxilqaan ah lagu dhisayo. xubnaha guddiga isxilqaan ee dhismaha xaruunta maxkamada ayaa ugu horeyn sharaxaad ka bixiyey ujeedada xaflada iyo shaqada uu qabtay guddiga waxayna bulshada ku booriyeen in ay xoogooda iyo hantidooda ku bixiyaan maadaama si isxilqaan ah lagu dhisayo msxkamada.
Tan iyo burburkii dowladii dhexe garsoorayaasha maxkamada gobolka iyo degmada waxa ay dacwadaha ku qaadayeen geed hoostii, wasiisrka wasaarada cadaalada iyo garsoorka dkgs maxamed xuseen oo uguul galey duruufaha adag oo ay ku shaqeynayaan maamulka maxkamada ayaa dhagax dhigey xaruunta maxkamada islamrkaasina dhisey guddi si isxilqaan ah uga shaqeynayo in bulshada ay dhisato xaruun loogu adeego, waxana dahfurka dhismaha maxkamada aad u soo dhoweeye culimaa’udiinkii xaflada ka soo qeyb galay.
Bulshadii kala duwaneyd oo munaasabada lagu casuumey ayaa siweyn u soo dhoweeyey barnaamijka isxilqaan oo xaruunta maxkamada lagu dhisayo, intii ay so cotay xaflada waxa lacago yaboohay ka qeyb galayaashii xaflada.
Gabagabadii waxa munaasabada ka hadlay kusimaha guddoomiyaha gobolka bakool cabdulaahi maxamed nuur snake iyo agaasimaha wasaarahmda howlaha guud ee dkgs yuusuf wadani waxana agaasimaha balan qaaday in injineerada wasaarada si isxilqaan ah uga qeyb qaadanayaan dhismaha maxkamada, wuxuuna ku dheraaday muhiimada ay u leedahay in degmada xudur lagu dhiso xarunta maxkamada gobolka bakool.