Baydhabo(WMN)-Kulankan muhiimadiisu ahaa katashiga Soo Xulista Xildhibaanada Barlamanka 2aad ee Koonfur Galbeed ee Manta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen uu la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur galbeed ayaa Inta uu Socday Waxaa lagu Lafa Gurey Soo Xulista Xildhibaanada iyo Dardar gelinta sidii loo Raaci lahaa Cutubka 3aad, Qodobkiisa 37aad Farqadiisa 2aad ee Daatuurka KG oo ku Qoran in Xildhibaanada Barlamanka Koonfur Galbeed ay ahaadan Tiro ahaan 95 Xildhibaan
Qaar kamid ah Odeyaasha Dhaqanka oo ka hadlay kulanka ayaa Umahadceliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Kg Sida Marwaliba uu latashi usiinayo Odeyaasha Dhaqanka Taasi oona Muujinaysa Muhiimada uu Siinayo Odeyaasha Dhaqanka Taliye Waxayna soo dhoweyeen in Xildhibaanada barlamanka kg laga Dhigo 95 Xuldhibaan halka hore ay uahaayren 149