Berdaalle(WMN)_Waxaa hakad kuyimid ama sidii larabay u shaqeynanin suuqa xoolaha ee degmada berdaale ee gobolka baay kadib markii uu sameyay biyihii dhawaan ay ku fatahameen degmadaasi kadib markii ay ka dhasheen roobabkii ka curtay degmada berdaale iyo degaanada kale ee hoos taga.
Hogheyaha dowlada hoose ee degmada berdaale ee gobolka baay Cabdi Amiin Dhaaywo ayaa suuqa xoolaha waxaa uu kula hadlay dhamaan ganacsatada keena xoolaha waxaana uu sheegay in looga bahan yahay inay maamulka kala shaqeyaan sidii wax looga qaban laha in dib loo soo celiyo sidii ushaqeyn jiray suuqa xoolaha ee degmada berdaale.
Suuqa xoolaha ayaa waxaa iskugu soo baxay dhamaan shacabka’ ganacsatada iyo dadka degaanada kale ee xoolaha ka keena, Maxamed Isaaq (Cara Case) gudoomiyaha degmada berdaale ayaa rajo kamuujiyay in asigoo kaashanaayo shacabkiisa in wax laga qaban doono suuqa xoolaha oo sameeyay biyihii ku fatahamay degmadaasi.
Sidoo kale gudoomiye cara case ayaa waxaa uu soo hadal qaaday dhibaatada ay lakulmaan shacabka ku nool degaanada ay hoos yimadaan degmada berdaale kooxda al shabaab oo ugala waddooyinka kadibna kaqaada lacago sharci daro ah, waxaana uu balan qaaday in arintaasi wax laga qaban doono asigoo kaashanaayo ciidamada dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed.