Baydhabo(WMN)_Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Hassan Moalim Ahmed (Biikoole) iyo Gudomiye ku Xigeenka Dhinaca Amniga iyo siyaasada Mudane Isaaq Mohamed Ali (Teygaab) Iyo wafuuda Turkiga ayaa Booqasho Ku Tageen Qeybo ka Mid ah Magaalada Sida Isbitaalka Dadka Dhimirka La’ Iyo Qaar Ka Mid ah kaamamka ay Ku Noolyihiin Dadka Barakacaaysha Mgaaalada Baydhabo iyo qaar Ka mid ah Wadooyinka dayactirka U Baahan ee Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale qorshaha wefdigaani turkiga ah ee soo gareen magalada baydhabo ayaa waxay ay wadaan sidii ay ceelal biyoodle ugu hirgalin lahayeen kaamamka magalada baydhabo si dadka barkacyaasha ah ay u helaan biyo nadiif ah.
Maamulka Degmada Baydhabo ayaa Muddooyinkan Wadey Dadaalo ay ka Mid Yihiin Dib Usoo Celinta Bilicda Magaalada, dhisida Qaar ka Mid ah Wadooyinka Caasimada Ku Meel Gaarka u ah Oo Dowlad goboleedka KGS Ee Baydhabo.
Halka Hoose Ka Daawo Sawirada.