Baydhabo-{WMN}-Abdisalaan Haji Siidow Mohamed Abdisalan Diyar iyo Aweys Sheikh Ibraahim ayaa ku kala guuleystay Guddoomiyaha Degmada Diinsor iyo guddoomiye ku xigeenka degmada afarta sano ee soo socta doorasho manta ka dhacday xaruunta degmada diinsor
Halka doorashadu ku socday waxaagoobjoog ahaa wasiirka wasaaradda rimaha gudaha koonfur galbeed,lataliyaha madaxweynaha koonfur galbeed dhinaca haweenka.Xildhibaanada golaha deegaanka,odayaasha,madaxda hay’addaha’Saraakiil ka soctay Ciidamada Nabad Ilaalada AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,
Abdisalaan Haji siidow Mohamed waxaa kur siga guddoomiyaha kula tartamay Aamino Ibraahim Hassan waxayna kala heleen 3 co aamino halka 18 cod uu ku guuleystay abdisalaan-
Kursiga guddoomiye ku xigeenka degmadana waxaa ku tartamay Nooney Abdi Hassan iyo Aweys Sheikh ali Ibraaham waxaana tanaazulay nuuney sidaasi waxaa ku guumiye ku xigeenka degmada ku guuleystay Aweys,
Abdukadir Shacbaan Mohamed guddoomiyaha gudiga doorashada ayaa shaaciyey natiiyada codeenta.
Amino Mohamed Mursal Lataliyaha Madaxweynaha dhinaca haweenka oo goobjoog aheyd ayaa sheegtay inaad ugu faraxsan tahay wixii manta dhacay.
Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha koonfur galbeed Mudane Mohamed Abukar cabdi ayaa u mahadceliyey gudiga ka kala socday wasaaradda arimaha gudaha kgs tan federaalka