Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa waxay ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.
Wasaradda Caafimaadka ayaa warbixinta maalinlaha ah ku sheegtay in 16 xaaladood oo cusub dalka laga diiwaangeliyay, maanta oo Talaado ah.
Bukaanada cusub 15 ka mida waxaa laga diiwaangeliyay Somaliland, iyadoo Koonfur Galbeedka laga xaqiijiyay 1 kiis. Bukaanada 11 ka mida waxaa weeye rag, halka 5-ta kalana ay dumar yihiin.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in xanuunka ay ka bogsadeen 27 qof, isla-markaana aanu jirin wax bukaan ah oo xanuunka ugu geeriyooday dalka, 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Tirada guud ee xanuunka ka bogsatay ayaa gaareysa 649 qof, iyadoo bukaanada u geeriyoodayna ay tiradoodu dhan tahay 88 qof, halka tirada guud ee xanuunka laga helay dalka oo dhan ay tahay 2,658.