Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir written by Admin 03/07/2020 Beesha Carab Soomaali oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku qabteen waxay kaga arrinsadeen sidii beeshu u raadsan lahayd xuquuqda siyaasadeed ee kaga maqan dowladda federalka iyo maamulada.Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaanka dhaqanka ee Beesha islamarkaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada waxay beeshu kusoo dhoweysay insixinta barlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay kuraasta aqalka sare ee matalaada gobolka Banaadir.War-murtiyeed lagasoo saaray kulanka ayaa barlamaanka looga mahad celiyay inay ka jawaabeen codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in gobolka Banaadir uu ka helo aqalka sare matalaad dhab ah.Beesha waxay ku baaqday in si cadaalad ah loo qeybiyo 13-ka kursi islamarkaana ay xuquuqdooda matalaad helaan beelaha ku dulman aqalka sare oo ay kamid tahay beesha Carab Soomaali.Beesha waxay madaxda dalka iyo guddoonka labada aqal ka codsadeen inay si dhow ula socdaan xuquuqsiinta beelaha haatan ku dulman matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir.Waxay farriin gaar ah udireen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyagoo sheegay inay tabanayaan xuquuq badan oo kaga maqan gobolka, haday ahaan lahayd degmooyinka gobolka iyo agaasimayaasha. Waxay sidoo kale beesha ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha in lasoo celiyo xuquuqdoodii golaha fulinta.Xildhibaan Cabdicasiis Salaax Carmaan oo kamid ah xildhibaanada beesha Carab Soomaali ku matala aqalka hoose oo kulanka uga qeyb galay qadka taleefoonka, ayaa taageeray mowqifka beesha ee raadinta xuquuqda siyaasadeed ee ka maqan, wuxuuna madaxweynaha iyo golaha shacabka uga mahad celiyay in ay ku guulaysteen in Muqdisho matalaad hesho.Xildhibaan Carmaan wuxuu sheegay in ay beeshiisu xaq uleedahay in ay wax ka hesho kuraasta aqalka sare ee gobolka Banaadir . Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir was last modified: July 3rd, 2020 by Admin 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Illaa Afartameeyo Kuraasta Baarlamaanka oo is bedel lagu sameeyay deegaan doorashadooda (Akhriso) next post Xasan Sheekh oo walaac ka muujiyay Xaaladda doorashooyinka dalka You may also like Marwada Koowaad ee Dalka oo la kulantay madaxda Wakaaladda Iskaashiga iyo isku-duwidda Turkiga ee TIKA “Sawirro” 02/10/2021 Dagaal ka socda Magaalada Laas-Caanood & Mareykanka oo ka hadlay 31/03/2023 Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho 03/01/2022 Sawiro: Olale Nadafadeed Oo Laga Bilaawey Xaafadaha Qaar Ee Magalada Baydhabo. 08/01/2020 Dhageyso+Sawiro:-Guddiga Amniga Golaha Wakiilada Dowlad Gaboleedka KGS, ayaa kulan xoga wareysi ah laqaatey Waziirka Amniga DGKGS, 04/12/2018 Joe Biden oo u magacaabay Kamala Harris Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka 12/08/2020 Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka? 11/02/2023 Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil oo xoog ku galay baarlamaanka, maxkamadda sare iyo madaxtooyada 09/01/2023 Safiirka Mareykanka Iyo Taliyaha AFRICOM Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Taliye Odawaa 17/02/2022 Dhageyso:- Wargays Billa ah oo ku qoran Afka Maayga oo Magaalada Baydhabo ka soo bixidoono 30/06/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.