Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga Madaxweynaha Somaliya oo ka amba-baxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweyne-yaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, Wasiiro, Xildhibaano iyo dadweyne kaloo fara-badan.
Wafdiga Madaxweynaha Somaliya ayaa markii dambe loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo loo qorsheeyay in la dejiyo mudada uu ku sugan yahay magaaladaasi.
Dhanka kale waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu weli hakad ku jiro dhaqdhaqaaqii gaadiidka, waxaana aad loo xadiday isu socodka dadweynaha ee magaalada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa lagu wadaa inay Magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgalaan wejiga 2aad ee shirka Dhuusamareeb.
Wejiga hore ee shirka oo la soo geba-gabeeyay 12-kii bishan ayaa waxaa laga soo saaray in wejiga 2aad ee shirkaasi ka soo qaybgalaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.
Shirka maalmaha ina soo aadan ka furmi doono Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu lafa-guri doonnaa xaaladda guud ee dalka, amniga iyo weliba arrimaha doorashooyinka oo khilaaf xoogan uu hareeyay.