Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa goor dhow ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19, ee dalka laga diiwaangeliyay sideed iyo afartankii saac ee ugu dambeysay.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka waxaa dalka laga xaqiijiyay 5 xaaladood oo COVID-19, kuwaa oo laga kala diiwaangeliyay Somaliland iyo Gobolka Banaadir.
2 ka mida bukaanada cusub ayaa waxaa laga diiwaangeliyay Somaliland, halka 3-da kalana laga xaqiijiyay Gobolka Banaadir. Tirada xanuunka laga helay dalka oo dhan ayaa gaartay 3,111 qof.
Bukaanada cusub 3 ka mida waxaa weeye rag, halka 2-da kalana ay haween yihiin, sida lagu sheegay war lagu daabacay barta Wasaaradda Caafimaadka ku leedahay Twitter-ka.
8 qof ayaa haataan ka bogsatay xanuunka, waxayna tani ka dhigeysaa wadarta guud ee xanuunka ka caafimaaday 1,452 qof.
Sideed iyo afartankii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaan jirin xaalado dhimasho ah oo dalka laga xaqiijiyay, inkastoo ay horey ugu geeriyoodeen 93 qof. Waana muddo toddobaad ah oo aan dalka laga soo warin xaalado dhimasho ah.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa maalin kasta ka warbixisa xaaladihii ugu dambeeyay ee xanuunka, maalinta Jimcaha mooyee.
Xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka
previous post