Waxaa manta Ray,iisul wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya uu shir gudoomiyey kulan looga hadlayay dhibaatada fatahaada Wabiga Shabelle uu ka geystey Degmada Afgooye ee Gobalka Sh hoose.
Kulankaas Madaxdii ka qeyb gashey waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdulqadir Shariif Sheekhuna,waxaana kulanka looga hadlay sidii gurmad loogu sameyn lahaa qoysaska ku barakacay.
Hadaba si aad u gaato wax yaabaha kulanka kasoo baxey qeybta hoose ka dhageyso Wareysiga Wasiiru Dowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha uu la yeeshey Wariye Muxidiin Xasan Maxamed Xusni.