Sii hayah wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sadik Warfa ayaa guddoomiyay kullan la xiriiray dardargalinta hab-raaca shaqo qorista shaqaalaha dowladda waxaan goob joog ka ahaa kullanka guddoomiyah Guddiga qaranka shaqaalaha rayidka Xasan Abshiroow ,xubno ka tirsan guddiga iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya iyadoo diirarada inta badan lagu saarayay arrimaha shaqaalaha rayidka iyo nidaaminta hab-raac shaqo qorista ee shaqaalaha dowladda.
Dhinaca kale sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sadik Warfa ayaa waxa uu ku qaabbilay xafiiskiisa Ali Ibraahim Anoy oo dhowaan loo magacaabay inuu xubin ka noqdo Guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda, isagoo buuxiyay xubin horey uga bannaaneyd guddiga.