La taliyaha sare ee madaxweyne Trump Jared Kushner, ayaa sheegay heshiiska ay galeen Israa’iil iyo Imaaraadka carabta uu Mareykanka ka dambeeyey inuu yahay isbeddel aad u weyn oo ku yimid Bariga dhexe.
Mr Kushner oo la hadlayey CBS News wuxuu sheegay heshiiskan sida lama filaanka ah Khamiisti loogu dhawaaqay inuu gobolka uu ammaan ka dhigayo.
Wuxuuna heshiiskani nabadeed uu ku tilmaamay inuu yahay midkii seddexaad ee Bariga dhexe ku dhexmaro Israa’iil iyo carabta, waddamada khaliijkana uu ka yahay kii ugu horreeyey.
Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa heshiis dhammeystiran iney seddex usbuuc gudahood ku gaaraan, heshiiskaasi oo ay ku soo celinayaan xiriirka labada dhinac u dhaxeeyey, oo ay ka mid yihiin iney labada dhinac safaarado isdhaafsadaan.
Iraa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka.
Mr Kushner wuxuu CBS u sheegay isaga iyo madaxweyne Trump iney ka shaqeynayeen heshiiska dhexmaray Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta tani iyo marka uu madaxweyne Trump xilka madaxweynanimada Mareykanka uu qabtay.
Heshiiskan, “waa guul weyn oo u soo hoyatay” madaxweyne Trump taasoo gobolka oo dhan “Rajo wanaagsan ka abuureyso”.
Heshiiska shaaca laga qaaday ayaa imanaya sidded bilood kadiib marki uu madaxweyne Trump uu soo hindisay heshiis nabadeed oo dhex mara Israa’iil iyo Falastiin uu dhexdhexaadiye ka yahay Mr Kushner.
Inkasta oo Israa’iil heshiiskaasi soo dhaweysay haddana falastiiniyiinta ayaa qorshaha Trump ku gacan seydhay iyaga oo sheegay heshiiska inuu yahay mid u xaglinayo Israa’iil iyaga oo joojiyey xiriirki ay la lahaayeen maamulka Trump.
Heshiiskan Falastiiniyiinta muxuu uga dhigan yahay?
Heshiiskan Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta wuxuu ka dhex abuurayaa iney labada dal safaarado isdhaafsadan, wuxuu sida oo kale heshiiskan uu jabinayaa qodobbo ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu adag ee ay sanado badan ay Falastiin iyo Israa’iil iskumari waayeen oo ah qorshaha Israa’iil ay ku dooneyso iney ku qabsato dhul hor leh oo ka mid ah daanta galbeed ee Falastiin.
Ra’isal wasaaraha Israa’iil Bejamin Netanyahu wuxuu sheegay dhulka Israa’iil inuu 30% uu u ballaadhinayo dhinaca daanta galbeed oo ay Falastiiniyiintu ku hamminayaan inuu ka mid noqdo dal madax bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin sida uu dhigayo waxa looga yeedhay heshiiska Trump uu damacsan yahay.
Falastiiniyiintu waxay sheegeen tallaabbada noocaasi ah iney halis ku tahay dowladnimadooda inkasta oo ilaa iyo hadda oggolaashihi ugu dambeeyey aan laga helin dhinaca Washington taasoo u muuqato inuu qorshahaasi istaagay.
Maxaa lagu heshiiyay?
Toddobaadyada soo socda ayaa waxaa kulan yeelan doona ergooyiin ka kala socda Imaaraadka iyo Israa’iil si loo saxiixo heshiisyo laba geesood ah.
Heshiisyadan ayaa ah kuwa la xiriira maalgashiga, dalxiiska, duulimaadyo toos ah, ammaanka, isgaarsiinta, tiknoolajiyada, tamarta, caafimaadka, dhaqanka iyo deegaanka.
Waxaa sidoo kale heshiiska mid ah in labada dhinac ay is waydaarsadaan safiirro.
Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay aqoonsiga ay Imaaraadka aqonsadeen Israa’iil inay ahayd “tallaabo geesinnimo leh “.
Sida looga falceliyay?
Rai’sul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay waxaa uuna sheegay in ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka nabadda bariga dhexe.
Madaxwaynaha Masar cabdul Fattah al-Sisi ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska, halka wasiirka arrimaha dibadda Urdun uu sheegay in heshiiskan uu gacan ka geysan doono in wadahadaladii istaagay al sii wado.
Waddamada Baxrain iyo Cummaan ayaa heshiiskaasi soo dhaweeyey, balse dalka sacuudi Carabiya oo saaxib dhow la ah Mareykanka ayaan ka hadal heshiiskaasi.
Maamul Falastiin oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid khiyaana ah wuxuu dib ugu yeertay safiirka u fadhiyey Iisutagga Imaaraadka Carabta.
Wasaaradda arrimaha dibadda iiraanna heshiiskaasi waxay ku tilmaantay “mid falastiiniyiinta dhabaraka ka toogatay”, iyada oo Iisutagga Imaaraadka Carabta ku tilmaantay “mid ceebeysan”.
Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan ayaa ka hadlay heshiiska taariikhiga ahaa ee ay gaareen dalalka Imaaraatka Carabta iyo Isra’iil.
Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishenka ayaa sheegay in dalkiisa ay dhici karto in uu xiriirka u jaro Imaaraatka, waxaana sababta uu ku sheegay xiriirka ay la yeelaneyso Isra’iil.
“Tallabaad la xiriirta arrinta Falastiin, ma ahan mid inaga dageyso, waxaa laga yaabaa in aan qaadno tallaabo aan meesha uga saareyno xiriirka diblomaasiyadeed ee naga la dhaxeeya Abu Dhabi, waxaana dhici karta in aan u yeerano safiirka halkaa inoo fadhiya,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.
Erdogan ayaa intaa sii raaciyay “waxaan garab taaganahay shacabka Falastiin, waligeenna ma oggolaanin in Falastiin la burburiyo.”