Dibad baxyada looga soo horjeedo madaxwaynaha wadanka Belarus ayaa waxaa ku biiray tobonaan kun oo ruux iyagoo dalbanaya in uu madaxwaynuhu is casilo.
Dibad baxan ayaa ah kii ugu xooganaa tan iyo markii ay bilawdeen rabshadaha looga soo horjeedo doorashadii dhawaan ka dhacday wadankaasi.
Mucaaradka ayaa dadka ugu baaqayo in ay isku soo baxaan xilli uu madaxwayne Lukashenko ku sii kordhayo cadaadiska ah in uu xilka ka dago.
Doorashadii Axadii ka dhacday Belarus ayaa lasheegay in markii lixaad uu ku guulaystay madaxwayne Alexander Lukashenko taas oo ay mucaaradku qaadaceen sheegeenna in lagu shubtay