Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Bu’aqable ee gobolka Hiiraan waxay ku toogteen laba nin oo ay u soo jeediyeen eedeymo kala duwan.
Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa fagaarihii ay toogashadu ka dhaceysay dad la isugu keenay waxa uu ka hor sheegay, in laba marxuum uu mid ahaa basaas, halka kan kalena uu ku sheegay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Hir-Shabeelle.
Axmed Maxamed Abuukar oo da’diisa uu ku sheegay 33-sano jir ayuu tilmaamay inay qabteen isagoo la shaqeynaya ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Cabaas Maxamed Cismaan oo ah ninka labaad ee Bu’aqable ay toogteen Al-Shabaab ayey ku tilmaameen basaas ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Hir-shabelle.
Al-Shabaab ayaa marar badan sidaan oo kale deegaanada ay maamulaan waxay ugu dileed dad ay badankood ku eedeeyeen falal basaasnimo ah.