Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in goor dhaw lagu dilay seddax qof oo sida aan wararka ku heleyno shacab ahaa.
Dadkaas ayaa la sheegay inay la socdeen gaari BL ah, oo marayey deegaanka Ceelsha Biyaha, welina lama oga sababta loo dilay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka ay u dhaceen dilalkaas iyo cidda geysatay, waxayna wararka qaar sheegayaan inay fuliyeen rag ku hubeysan bastoolado, halka dadka qaarna ay sheegayaan inay dilka geysteen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaas.
Halka lagu dilay dadka waxaa la sheegay inuu marayo dhismaha ku socda laamiga xariiriya Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Meydadka seddaxda qof ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdsho, welina dilkooda wax war ah kama soo saarin laamaha ammaanka dowadda Soomaaliya