Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa Saaka oo Khamiis ah xasaanadda ka qaaday 8 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland.
Mooshin boobsiis ah oo xalay laga shaqeeyay, ayaa saaka lagu riday 8 xildhibaan oo loo jeediyay eedaymo kala duwan, kuwaas oo si adag u mucaaradsanaa Guddoomiyaha Baarlamanka, islamarkaana doonayay in ay mooshin ku ridaan.
Ku dhawaad 35 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa u codeeyay xil ka xayuubinta xildhibaannada, kadib markii xeer ilaaliyaha Puntland Golaha u akhriyay eedaymaha loo haysto xubnahaas.
Xildhibaannada xasaanadda laga qaaday waxay kala yihiin; Maxamuud Axmed Caalim, Muuse Siciid Xassan (Jajabsay), Suleebaan Faraax Ciise, Cabdiqani Abshir Surato, Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Cabdiraxmaan Maxamud Maxamed (Dhoorre),Cabdicasiis Salaad Gacmay (Baduugaaye) iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed.