Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Madaxweynaha Galmudug ayaa Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ku booqday Xarunta Xisbiga Wadajir.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha Galmudug ka wadahadleen xaaladda dalka, gaar ahaan midda doorashooyinka.
“Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan xilliga kala guurka.”
‘Waxaan uga mahadcelinayaa booqashada iyo daddaalkiisa ku aadan dhammeystirka heshiisyada Doorashooyinka.”
“Waxaa kulanka igu wehliyey Gudoomiyaha Xisbiga, Saciid Gooshe, Gudoomiye Kuxigeenka, Sayid Cali Macalin Cabdulle, Hibo Farey oo xubin sare oo Xibsiga ka tirsan iyo Guddoomiyihii hore ee Xisbiga, haatana ah Laliyaha Madaxweynaha Galmudug, Kamaal Guutaale.”
Madaxweyne Qoorqoor ayaa Magaalada Muqdisho ka wada kulamo uu isugu soo dhaweynayo Dowladda Federaalka iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.