Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay inta u dhaxeeya degaannada Xaawa Cabdi & lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay Injineerada turkiga ee dhismaha ka wada wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay Ciidamada toogteen, markii uu ku dhawaaday Goob ay ku sugnaayeen Injineerada Turkiga & Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, sidaasina uu ku qarxay.
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhintay laba kamid ah Ciidamada dowladda ee Injineerada ilaalinayay halka ay ku dhaawacmeen saddex kamid ah Shaqaalaha Turkiga iyo Afar kamid ah Ciidamada Haramcad.
Dadka ku dhaawacmay qaraxaas ayaa waxaa la keenay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo, waxaana Goobta qaraxa uu ka dhacay muddo saacado ah hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka walow markii dambe dibn loo furay.
Waa markii labaad oo qarax ismiidamin ah lagu weeraro Injineerada dhismaha ka wada wada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ay aheyd 28-kii Bishii December ee sanadkii 2019 markii qarax Gaari loo adeegsaday lagu weeraray Injineerada Turkiga xilli ay ku sugnaayeen Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye, waxaana qaraxaasi ku dhintay dad u badnaa Shacab.
Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax faah fahin ah kama bixin qaraxaas, iyada oo aysan weli jirin cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa lagu weeraray Injineerada dhismaha ka wada wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye.