In k badan 2 kun oo ruux ayaa iskugu soo baxay dabaaldega sanadka cusub ee 2021 oo ka dhacay magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska ayadoo dawladu mamnuucday isku imaatinka bulshada.
Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay in dad tiradoodu gaaray labo kun iyo shan boqol oo qof ay illaa Khamiistii dabaal degyo ku dhigayaan fagaaraha weyn ee magaalada Paris.
Dawladu goobta waxay u dirtay ciidamo dadka kala cayriya hase ahaatee taasi ma dhicin waxaana walaaca ugu weyn ee dawladu qabto tahay inuu faafo nooca cusub ee xanuunka Karoonaha.
Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dhac dhex maray ciidamada amaanka iyo dad diidan inay goobta ka tagaan ay 3 askari ku dhaawacantay gaadiid ciidamadu leeyihiina ku gubteen.
Horey xukuumadda Faransiiska waxay u mamnuucday in dadku soo baxaan maalmaha dabaaldega sanadka cusub iyo ciida Kirismiska.