Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay soo magacawday safiir cusub dalka Soomaaliya,iyadoo lagu bedelay safiirkii hore ugu fadhiyay Soomaaliya Amb, Ben Fender.
Safiirka cusub ayaa ah haweeney lagu magacaabo Kate Foster sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda UK.
Haweeneydan loo soo magacaabay safaarada Ingiriiska ee dalka Soomaaliya ayaa noqoneysa haweeneydii labaad ee dowlada Britain ay u soo magacawdo dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012kii.
Kate Foster ayaa si rasmi ah xafiiska ula wareegi doonto bisha Febraayo ee sanadkan.
Dowladda boqortooyada UK ayaa Amb, Ben Fender waxaa ay Soomaaliya u soo magacaawday 30-kii Bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii, waxaana Soomaaliya uu ka Shaqeeynayay Sanad iyo 11 Bilood.