Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu magaaladaasi ka dhacay qarax si weyn looga maqlay qaybo ka mida xaafadaha magaalada.
Qaraxa oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa ka dhacay Wadada 21-ka October ee Degmada Waaberi, ka dib markii lala eegtay gaari uu leeyahay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho).
Afhayeenka ayaa goor dhow xaqiijiyay inaanu xilligaa gaariga la socon, isla-markaana aysan jirin cid ka mid ah xubnihii gaariga la socday oo ku waxyeeloobay qaraxaasi.
Hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in gabar wadada mareysay ay ku dhaawacantay qaraxaasi, waxaana iminka soo baxaya warar sheegaya in dhaawacaasi ay u geeriyootay.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, waxaase uu Afhayeenka Booliska ku eedeeyay kooxaha argagixisada.
Muddooyinkii ugu dambeysay waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay qaraxyada wadooyinka dhinacooda la dhigo, ee markaasi lala beegsanayo gaadiidka ay leeyihiin Masuuliyiinta Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada.