Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Kulanka oo ka dhacay Magaalada Baraawe ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka dhinaca amniga iyo howlgalada Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan halkaas.
Guddoomiye Cabduqaadir Siidii ayaa Saraakiisha AMSIOM ee uu la kulmay ka dalbaday in lasii dardar-geliyo howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee Ciidanka dowladda iyo kuwooda ay ka wadaan deegaanada Shabeellaha Hoose.
Saraakiil ka socday Taliska Ciidanka AMSIOM ayaa shalay socdaal ku tegay Magaalada Baraawe, isla markaana la kulmay Saraakiil Ciidan ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay Gobolada ugu amniga xun Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo culus iyo qaraxyo lagu dilay Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Gobolkaas.