Golaha Midowga Musharixiinta oo ku baaqay in la qabto shir deg deg ah ay isugu yimaadaan dhammaan saamileyda siyaasadda dalka, kaasi oo looga hadlaayo xaaladda siyaasadda ee cakiran.
War-saxaafadeed ay soo saareen midowga musharixiinta ayay walaac uga muujiyeen xaaladda dalka.
“Goluhu wuxuu ka walaacsanyahay in muddo xileedka hay’adaha dastuuriga uu idlaaday, isla markaasna uusan jirin heshiis siyaasadeed oo looga gudbayo xilliga kala guurka siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraalka musharixiinta.
Shirkaan ay ku baaqeen Golaha musharixiinta ayaa ku soo aadaya, xilli maalintii shalay madaxweyne Farmaajo uu kulan ka dhacaya Garoowe uu isugu yeeray madaxda dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka.