Safiirka Shiinaha ee Somaliya, Amb. Qin Jian ayaa sheegay in Somaliya ay tahay dalka ay dadkiisu yar yihiin, hase yeeshee leh dhul ballaaran iyo khayraad dabiici oo fara-badan.
“Somaliya waxaa ku nool dad yar, balse leh dhul ballaaran iyo khayraad dabiici ah oo fara-badan. Illaa iyo inta nabad iyo midnimo tahay lama isticmaali doono sanado badan, qof walbana wuxuu heli doonnaa nolol wanaagsan.” Ayuu yiri Safiirka.
Safiirka ayaa yiri “Waa kaalinteena ugu muhiimsan dunida ee horumarinta xuquuqda aadanaha iyo dagaal adag oo aan uga hortagno wadamo dhowr ah oo dhalan-rog iyo sumcad xumida xaaladda xuquuqda aadanaha.”
Waxa kaloo uu yiri “Joojinta saboolnimada waa mid taariikhi ah Shiinaha gaaritaanka iyo xalka Shiinaha, aragti ahaan iyo dhaqan ahaanba, arrimaha saboolnimada adduunka oo dhan.”
Safiirka ayaa intaasi ku daray “Shiinaha weli wuxuu ku hawlan yahay dhismaha Kaabayaasha dhaqaalaha, inkasta oo jawiga caalamiga uu adag yahay. Shiinaha laftiisa waa suuq aad u weyn, dad badan iyo awood weyn. Dawladdu waxay ku dhiirrigelinaysaa dhallinyarada inay ubad badan dhallaan, geedo badanna abuuraan.”
Amb. Qin Jian ayaa warkan ku sheegay qoraal uu caawa soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha.
Hadalka Safiirka ayaa imaanaya, xilli Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping uu Khamiistii sheegay in dowladdiisu ciribtirtay, isla-markaana ay xididada u siibtay gaajada daran ee dadka dalkaasi. Madaxweynaha ayaa arrintan ku tilmaamay guul dhameystiran oo farxad lala dalab-giigsado.