Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar Kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta Gudaha dalka Yemen ay ku qaadeen Magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga.
Qoraal kooban oo la soo dhigay barta twitter-ka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa aad loogu cambaareeyay weerarkaas, waxana lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay falkaas, isla markaana uu yahay mid argagaxiso.
“Dowladda federaalka Soomaaliya] waxay aaminsan tahay in cilada noocaan ah aysan u adeegeyn nabadda gobolka ayna wiiqayaa dedaaladda nabadda,” ayaa lagu yiri qoraalka oo Luuqada Carabiga ku qornaa.
Bayaanka ayaa la raaciyey: “Soomaaliya waxay ku garab taagan tahay boqortooyada Sacuudiga dhabar-goynta argagixisada” ayuu lagu yiri qoraalka.